1464 Views

Sawirro:-Madaxda Dowladda Oo Ka Qeybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Wasiir Ku-Xigeenkii Shaqada Iyo Shaqaalaha

Sawirro:-Madaxda Dowladda Oo Ka Qeybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Wasiir Ku-Xigeenkii Shaqada Iyo Shaqaalaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  24, 2019 –Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka qeyb galay Salaada Janaasada ee Marxuum Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya.

Salaada Janaasada oo marxuumka lagula dukaday gudaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne Farmaajo, Ra’isal wasaare Kheyre, xildhibaanada labada golle ee Baarlamaanka, wasiiro, ehelka Marxuumka iyo masuuliyiin ka socday hay’addaha dowladda.

Guddoomiyaha Golaha s

Shacabka mudane Maxamed Mursal ayaa sheegay in Marxuumka uu ahaa Shaqsi afgaaban oo mar walbo cibaadada Alle ku dadaala, daacad iyo howlkar ahaa, ku weyneyd Soomaalinimada iyo hormarinta dowladnimada Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee Marxuum Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa ka mid ahaa xildhibaanada Golaha Shacabka, ka hor inta aan xilka wasiir ku xigeenka loo magacaabin waxa uu xubin ka ahaa guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment