993 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Jubbaland oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October14–2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Xusuusta dhacdadii 14 Oktoober ee Sanadkii 2017ka Weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee isgooyska Zoobe ay tahay inay nagu dhiiri galiso sida ay muhiimka u tahay dadaalada Nabadgalyada iyo dagaalka waxa loogu yeero Argagixisada in si wadajir ah looga wada shaqeeyo.

 

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhacdadaas ay banaanka soo dhigtay sida aanay Al-Shabaab  u doonaynin Nolosha dadka Soomaaliyeed oo maalin walba ay dhiigooda si ula kac ah u daadinayaan taas oo mudan in lagaga jawaabo howlgalo iyo dagaal midaysan oo lala galo sida uu hadalka u dhigey.

 

Madaxweynahu wuxuu tacsi u diray dhamaan dadkii ehelkooda ku waayay dhacdadaas Maanta oo kale waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in dhabar adayga iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed ee dhacdadaas kadib ay ahayd wax lagu farxo iyagoo si wadajir ah ugu gurmaday dadkii dhibtu ay gaartay.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment