948 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble & Madaxweynaha Jubbaland oo kulan yeeshay

Ra’iisul Wasaare Rooble & Madaxweynaha Jubbaland oo kulan yeeshay
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 24 2020
—Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta Magaalada Muqdisho waxaa uu kula kulmay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maalmahaan ku sugan Muqdisho.

Labada Mas’uul ayaa kawada hadley in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii dalku uga gudbi lahaa waqtiga kala guurka doorashaduna ku qabsoonto sidii loo qorsheeyey.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Cusub in uu dadaalkiisa ugu badan geliyo Arrimaha doorashooyinka iyo waxka qabashada dhinaca Amniga.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay tan iyo ansixintiisii waxaa uu waday kulamo kala duwan, waxaana uu la kulmay, Guddoonka Golaha Shacabka, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Kulamadaan uu Muqdisho ka wado Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu yahay mid isbarasho ah sidoo kalena uu wadatashi gelinayo Golaha Wasiirada uu soo Magacaabi doono.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post