909 Views

Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 27 2020—Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad  kulan ku yeelanaya xarunta Ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xildhibaanada ku wargaliyay in ay soo xaadiraan kulanka oo dhici doona Duhurnimada Maanta ah, kaa soo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Ajendaha kulanka manta ee Golaha Shacbaka  ayaa ah Wadatashiga Xildhibaanada ,maadaama lagu jiro kulamadii ugu dambeeyay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa u dhiman bilooyin kooban, waxaana ay sheegeen in ay Shaqada sii wadi doonaan ilaa laga dhaariyo xildhibaanada 11.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arbacadii codka kalsoonida siiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub halka ay  shalay meel Mariyeen Sharciga jiheynta doorashada dalka.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post