1125 Views

Xildhibaanada laga soo doortay Garbaharreey oo soo xaadiray xarunta baarlamaanka

Xildhibaanada laga soo doortay Garbaharreey oo soo xaadiray xarunta baarlamaanka
____________________________________________________________________________


Arbaco: May 4, 2022

Xilibaanada laga soo doortay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa saaka iska xaadiriyay xarunta baarlamaanka, sida lagu arkayay sawirro lagu baahiyay baraha bulshada gaar ahaan barta Facebook.

Kulankii hore ee baarlamaanka ayaa waxa ka soo qayb galay xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey taasi oo buuq ka dhex abuurtay xarunta baarlamaanka.

Muran xoogan ayaa weli ka tagan doorashooyinka khilaafka hareeyay ee ka dhacday gobolka Gedo gaar ahaan magaalooyinka Ceelwaq iyo Garbahaarey.

Weli lama oga in xildhibaanada Ceelwaaq ay iyagana soo xaadiri doonaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post