1176 Views

Muqdisho oo kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayay Shirka wadahadalka Doorashooyinka ka socdaan

Muqdisho oo  kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayay Shirka wadahadalka Doorashooyinka ka socdaan
____________________________________________________________________________

May 21 2021

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayay Shirka wadahadalka Doorashooyinka ee Madaxda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir ee lala sugayo Madaxweynayaasha Puntland & Hir-Shabeelle oo Caasimadda ka maqan.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa si horudhac ah ula kulmay Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish.

Rooble waxa uu dhinacyada uu la kulmay kala sii hadlay Shirka uu mas’uuliyaddiisa & hoggaamintiisa uu la wareegay 1-dii May 2021 si wadahadalka is faham & hagista doorashooyinka Baarlamaanka iyo madaxtooyada ay isla meel dhigaan madaxdaan.

Shirka oo lagu waday in uu furmo 20-ka May 2021 ayaa dib u dhacay kadib markii Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle & Puntland aysan soo gaarin Caasimadda kahor waqtiga lagu ballansanaa Shirka.

Ilo xog ogaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in maanta oo jimco ah Muqdisho ay kusoo wajahan yihiin Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle oo fatahaad & dagaal ka dhacay Caasimadda maamulkiisa u baaqday & Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha DG Puntland oo dalka safar uga maqan.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa sheegay in Xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu diyaariyay soo dhaweynta madaxda, isu daba-ridka wadahadalkaas iyo kulamada gaar-gaarka ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post