711 Views

Taliska Saldhigga Booliska Bandiiradleey oo la guddoonsiiyay Gaari ay ku shaqeeyaan

Taliska Saldhigga Booliska Bandiiradleey oo la guddoonsiiyay Gaari ay ku shaqeeyaan
____________________________________________________________________________

Khamiis June 2, 2022

Gudoomiyaha  Gobalka  Mudug  ee  Galmudug Axmed Xuseen Shire  Bukhaari  iyo  Taliyaha  Qeybta  Booliiska  Gobalka  Mudug G/dhaxe Cali Muuse Maxamuud ayaa  gaaray  Bandiiradleey  ee  Gobalka  Mudug, halkaasi  oo  dhawaanahaan  ay  ka  socanayeen  hirgelinta  mashaariic  la  xariira  adeegyada  aas aaska  u ah  nolasha  bulshada  iyo  sare  u qaadista  tayada  ciidamada  Booliiska

Mas’uuliyiintaan   ayaa  markii  ay  gaareen  magaalada  Bandiiradleey  kormeer  ku tagay  Saldhigga  Booliska , iyagoo  u  kuur galayay  howlaha  shaqo  ee  ka socanaya  Saldhigga  iyo  baahiyada  ka  jira adeegyada boolisku uu u baahan yahay  iyagoo  intii  halkaasi ay ku sugnaayeen  warbixino  ka dhageystay  Taliyaha  Saldhiga Bandiiradleey.

Gudoomiyaha  Gobalka  Mudug  Axmed Xuseen Shire  Bukhaari  iyo  Taliyaha  Qeybta  Booliska  Gobalka  Mudug G/dhaxe  Cali Muuse   Maxamuud  ayaa waxa ay ku  wareejiyeen saldhiga  booliska  Bandiiraleey  gaari  loogu  tala  galay  in ay  ciidanka  Boolisku  ugu  adeegaan  bulshada, kaas  oo ay  soo  dhiibeen  madaxda  Dowlad Gobaleedka Galmudug  maadaama  la  isla  gartay in ciidanka  booliska  ay  hayaan  shaqo  adag oo  aan  laga  maarmi   Karin  in ay  gaadiid  helaan, taas  oo  ay ka mahad  celiyeen saraakiisha  saldhigga  ciidanka Booliiska  Bandiiradleey

Dhinaca  kale  Mudane  Axmed  Xuseen  Shire  Bukhaari  oo ay  wehliyeen  mas’uuliyiin  ka  socatay  Wasaaradda biyaha  iyo  tamarta  Galmudug  iyo  saraakiil  ka  socatay  Hay’adda  IMC ayaa  kormeeray  mashaariic  lagu  horumarinayay adeegyada biyaha  kuwaas oo  laga  hirgaliyay magaalada  Bandiiradleey  iyo deegaanno  hoostaga, kuwaas  oo  bulshadu  baahi weyn  u qabeen  isla markaana  qeyb  ka  ahaa  mashaariic laga fuliyay  deegaanno  badan  oo  ka tirsan  Gobalka Mudug  fulintoodana  ay  iska  kaashadeen  hay’adda IMC, Wasaaradda biyaha Galmudug iyo Maamulka  Gobalka.

Kormeerkaan  ayaa  kusoo  beegmaya  xillii  deegaano  ka  tirsan kuwa  ku yaala  dhanka  waqooyi  bari  magaalada  galkacyo  dhawaan   si  rasmi ah  looga  xarig jaray  mashaariic  qeyb ka ah adeegyada bulshada  loogu  dhaweeynayo  in ay  biyo  helaan  maadaama  baahi  biyood  ay  ka jirto  inta  badan  deegaanada  iyo  dagmooyinka  Gobalka  mudug

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post