615 Views

Nin sabool ah oo celiyay malaayiin lacag ah oo uu dhulka ka heley

Nin sabool ah oo celiyay malaayiin lacag ah oo uu dhulka ka heley
____________________________________________________________________________

Axad: February 20, 2022

Nin beeralay ah oo u dhashay dalka Benin ayaa qofkii lahaa oo dalxiise ahaa u celiyay lacag 14 milyan oo lacagta Faranka ee dalka Benin oo uu dhulka ka heley iyada oo ku jirta boorsada safarka.

Baraka Amido woo 37 jir , waa aabbe 5 carruur ah leh, wuxuuna sheegay in iimaankiisa uu u saamixi waayay in uu lacagta qaato, maadaamaa uusan isaga shaqaysanin, lahayna.

Waxaa la guddoonsiiyay shahaado Sharaf iyo xoogaa lacag ah oo baqshad ku jirtay, isaga oo lagu maamuusay dhaqan wanaagiisa.

Barasaabka gobolka Borgu ee dalka Benin Mudane Jibriil Ciise ayaa sheegay in arrinta uu ninkani sameeyay ay tahay mid ku dayasho mudan, iyada oo uu sheegay in dadkii inta badan ay aqlaaqdii iyo dhaqankii wanaagsanaa ka tageen dhowaanahan.

Markii uu Baraka maqlay in nin dhisme mulkiile ka ah uu raadinayo boorso ka luntay, ayuu inta boorsadii qaaday u geeyay ninkii lahaa, maadaamaa uu boorsada heley isaga oo kasoo laabanayay beertiisa.

Sida ay sheegtay warbaahinta maxaliga ah, boorsada waxaa lahaa nin ganacsade ah oo deegaanka u yimid si uu u iibsado hadhuudh.

Baraka ayaa la sheegay in uu diiday lacag boqol kun oo Faran oo abaalmarin ah, isaga oo markii dambe lagu dirqiyay in uu aqbalo konton kun oo Faran.

Mar sii horeysay, sheeko tan la mid ah ayaa dhowaan ka dhacday dalka Liberia, iyada oo nin dhalinyaro uu qofkii lahaa u celiyay lacag 50 kun oo doolar ah, iyada oo uu madaxweynaha dalkaasi George Weah uu abaalmariyay wiilkii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post