1296 Views

Boosaaso oo laga daahfuray wejiga labaad ee dhismaha garoonka Boosaaso Dawo Muuqaalka

Boosaaso oo  laga daahfuray wejiga labaad ee dhismaha garoonka  Boosaaso Dawo Muuqaalka
____________________________________________________________________________

June 10 2021

Magaalada Boosaaso oo  laga daahfuray wejiga labaad ee dhismaha garoonka diyaaradah Boosaaso.

Daahfurka mashruuca waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, kuwo ka socotay shirkadda dhisaysa garoonka iyo qeybo kamid ah bulshada Boosaaso.

Mashruucan oo ay fulinayso shirkad lagu magaaco COCC oo hoostagta CCECC ayaa la sheegay in qeybtiisa 1-aad lagu qaban doono shaqooyinka kala ah.

1. Ballaadhinta dhabada diyaaradaha waxa lagu daridoonaa inta dhisan 800m.

2. Dhismaha wado laami ah oo laba haad ah, taasi oo Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ku xirta magaalada 1.7 km².

3. Dhismaha baarkinka gawaarida (Car Parking) oo cabirkiisu dhan yahay 300×250m² oo laba jibaaran (Square).

4. Dhismaha Dayrka Garoonka oo silig adag ah (Fencing Airport) cabirkiisuna dhan yahay 9×4km

5. Dhismaha xarunta Dab-damiska (Fire House Building)

6. Dhismaha Baarkinka Diyaaradaha

7.Dhismaha qaybta Xamuulka (Cargo Terminal)

8. Dayactirka Terminaalka (Terminal renovation)

9. Nalaynta Garoonka si heer caalami ah (Airports lighting)

9. Dhiraynta iyo qurxinta Garoonka diyaaradaha Boosaaso (Planting and organizing).

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ka warbixiyay mashruuca lagu hormarinayo garoonka Boosaaso.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post