660 Views

Ciidanka dowlad degaanka Soomaalida oo degaanka ku qabtay hub sharci darro ah.

Ciidanka dowlad degaanka Soomaalida oo  degaanka  ku qabtay hub sharci darro ah.
____________________________________________________________________________

Axad: August 22, 202

Ciidanka xooga Gaarka ah  ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa kantaroolka  Magaalo-qaran oo kamid ah degaannada Dowlad degaanka  ku qabtay hub sharci darro ah.

Hubka ayaa saraakiil ka tirsan Ciidamada dowlad deganka ay sheegeen in lagu waday gaari, waxaana la socda rasaas farabadan oo jawaano lagu shubay, kuwaas oo la doonayay in  la geliyo halka lagu Magacaabo Magaalo-qaran

Sidoo kale saraakiisha Ciidamada dowlad degaanka waxaa ay sheegeen inay Ciidamada markasta heegan ugu jiraan ka hortaga waxyaabaha halis galinaya bulshada & amniga.

Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidamada dowlad degaanka ay sidaan oo kale gacanta ugu dhigeen hub farabadan, kaas oo ay sheegeen in uu ahaa mid ay isku adeegsanayen qowmiyadaha kala duwan ee dega Itoobiya oo Soomalida kamid tahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post