837 Views

Baarlamaanka Puntland oo isku raacay in DP World loo daayo Dekedda Boosaso

Baarlamaanka Puntland oo isku raacay in DP World loo daayo Dekedda Boosaso
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 28, 2020 –Fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada maamulka Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 49 Mudane ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL loo gudbiyey codsi Madaxweynaha  Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni oo ahaa in ay socoto dhameystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) Dekadda Boosaaso.

Waxaa sidoo kale codsiga la socotay in loo daayo Golaha Xukumadda, iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku oggolaadeen 38 Mudane, cid diidayna ma jirin, waxaana ka aamus 11 Mudane.

Dhinaca kalena, maalinta Isniinta 30 Bisha November, 2020 ayaa Golaha Wakiillada maamulka  Puntland yeelan doona kulanka La Xisaabtanka Golaha Xukumadda.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post