3339 Views

Xildhibaannada Baarlamaanka oo maanta ka doodaya sharciga qaxootiga

Xildhibaannada Baarlamaanka oo maanta ka doodaya sharciga qaxootiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 01 February 2016: Xildhibaananda Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, ayaa guda geli doona akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedyada Xanaanada xoolaha iyo sharciga qaxootiga oo ah qaar muhim ah.

Xildhibaan Maxamed Cumar Hab-dhowraha golaha shacabka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in shirka baarlamaanka ay horyaalaan labo ajande oo kala ah akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka xanaanada Xoolaha iyo akhrinta labaad ee hhindise sharciyeedka Qaxootiga.

Xildhibaanka ayaa xusay in labada sharci ay muhiim u tahay dalka, iyadoo kan qaxootiga uu qeexayo in nidaam loo helo qaxootiga Soomaaliyeed ee daadsan caalamka, isagoo xusay in Xildhibaannada marka ay akhrinta dhamaato ay ka dhiiban doonaan fikradahooda ku aadan wax ka badalka sharciyada baarlamaanka la horkeenay iyo hadba goorka la dhamays-tiraayo.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment