927 Views

Wasiirka Arimaha Dibada Ruushka oo gaaray Turkiga si uu ula kulmo Dhigiisa Ukraine

Wasiirka Arimaha Dibada Ruushka oo gaaray  Turkiga si uu ula kulmo  Dhigiisa Ukraine
____________________________________________________________________________


khamiis: March 10, 2022

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa ka degay dalka Turkiga isagoo halkaasi kula kulmidoona Masuuliyiin Ruushka ah.

Maanta oo Khamiis ha ayuu dhigiisa Ukraine Dmytro Kuleba kala hadli doonaa dagaalka u dhaxeeya wadamadaasi.

Waxay noqon doontaa xiriirkii ugu horreeyay ee heer sare ah oo lala yeesho Ukraine tan iyo markii Ruushka uu galay duulaanka, sida uu sheegay sarkaal Turki ah.

Wadahadalladan ayaa loo badinayaa inay si wada jir ah ula kulmaan wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlüt Çavusoglu.

Wadahadallada lagu wado in subaxnimada Khamiista ka furmo magaalada koonfurta ku taalla ee Antalya ayaa ku yimi hindisaha madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Waxa uu doonayaa in Turkigu uu door dhexdhexaadin ah ka qaato khilaafka.

Ruushka ayaa Dagaal dheer kula jira Ukraine taasi badalkeeda waxa uu wadanka la kulmay mid kamid ah Cunaqabateyntii ugu adkeyd ee Taariikhdiisa.

Office Nairtobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post