981 Views

Kulankii Madaxweyne Farmaajo, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo baaqday

Kulankii Madaxweyne Farmaajo, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo baaqday
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 2 2020—Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helay ilo wareed muhiim ah ayaa sheegaya inuu baaqday Kulankii caawa la filayay inay yeeshaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Sababaha shirka u baaqday ayaa ah Shuruud ka timid Jubbaland oo ku saabsan arrinta Gobolka Gedo oo ah in Dowladda Federaalka ka soo saarto Ciidamada ay geysay.

Waxaa haatan shir u socdaa Madaxweynaha Jubbaland iyo Puntland oo ay ka wada hadlayaan arrimaha taagan iyo shuruuda Jubbaland ku xirtay kulankaas.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada ayaa maanta duhurkii qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku shaaciyay kulanka caawa ay yeelanayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, iyadop qoraalkaas loo arkayay mid Madaxtooyada ku iclaamineysay kulanka, laguna qarinayay shuruuda Jubbaland saacadihii hore ee maanta ka timid oo ka mid ahaa waxyaabihii uu la wadaagay Madaxweyne Axmed Madoobe Safiirka Mareykanka.

Galabta ayay aheyd markii Madaxweynaha Jubbaland iyo Taliyaha NISA kulan saacado badan qaatay ay yeesheen, arrimaha laga wada hadlay ka mid ahaa arrinta Gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post