636 Views

Dhismaha xafiisyada Wasaaradda Beeraha Galmudug oo la dhagax dhigay

Dhismaha xafiisyada Wasaaradda Beeraha Galmudug oo la dhagax dhigay
____________________________________________________________________________

Khamiis June 2, 2022

Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa ee Galmudug, AxmedNuur Xaaji Cusmaan oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Baarlamaanka Galmudug Cabdullaahi Xirsi, Agaasimaha guud ee Wasaradda Qorsheynta Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Guddoomiyaha Dhuusamareeb, Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Federaalka iyo madaxda mashruuca Biyoole ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka dhagax dhigay dhismaha xafiisyada Wasaradda Beeraha oo laga dhisayo xaruntii hore ee daaqa Qaranka.

Mashruucan oo uu maalgelinayo bangiga adduunka, qaybna ka ah Barnaamijka horumarineed ee Biyoole ayaa waxaa qaybtiisa dhismaha Xafiisyada Wasaradda Beeraha ka waramey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta Cabbdullaahi Cumar Aadan oo sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay dhismaha xarumaha dowladda ee Galmudug.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Cilmi-Salaad Cali Cabdi iyo Guddoomiyaha Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa sheegay in howshani qayb ka tahay dadaallada dib loogu dhisayo xarumo dhowr ah oo ay yeeshaan Wasaraddaha qaybta ka ah Mashruuca Biyoole.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Goboleedka Galmudug, AxmedNuur Xaaji Cusmaan ayaa hoosta ka xariiqay in xafiisyada ay noqon doonaan kuwa loogu adeego bulshada, maadaama haatan aysan heysan xarumo ku filan oo bulshada loogu adeegi karo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post