873 Views

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay gobolka Sool.

Madaxweyne  Muuse Biixi Cabdi oo  baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay gobolka Sool.
____________________________________________________________________________

April 17, 2021

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Ceelka Dhabar-dalool ee degmada Xudun oo dhacda waqooyi barri ee gobolka Sool.

Muuse Biixi ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Wakhtigan maaha macquul in la daadiyo dhiigga dadka muslinka ah, sidaa awgeed waxa aan ugu baaqayaa kuwa colaadda hurinaya inay ka waantoobaan oo ay u tudhaan dadkooda maatida ah ee aan waxba galabsan iyo aakhiradooda, iyadoo weliba lagu jiro bishii barakaysanayd ee Ramadaan oo ah bil cibaado”.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ciidamada, maamulka gobolka Sool iyo hay’adaha kala duwan ee xukuumaddiisa amray in ay tallaabo dawladnimo ka qaadaan cid kasta oo u hoggaansami-wayda nabadda.

Muuse Biixi wuxuu ugu baaqay waxgaradka, waayeelka, culimada iyo aqoonyahanka labada dhinac ee dirirtu dhexmarayso in ay xasilooni ku soo dabbaalaan xaaladda, dhexdana u xidhaan sidii loo joojin dagaalkaas oo sababay khasaaro badan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post