930 Views

Magaalada Addis Ababa Itoobiya oo dibadbax ka dhigay qaar kamid ah Shacabka Qowmiyaha Tigreey ee ku nool Magaaladaasi Addis Ababa.

Magaalada Addis Ababa Itoobiya oo dibadbax ka dhigay qaar kamid ah Shacabka Qowmiyaha Tigreey ee ku nool Magaaladaasi Addis Ababa.
____________________________________________________________________________


Axad: December 5, 2021

Waxaa Maanta Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya dibadbax ka dhigay qaar kamid ah Shacabka Qowmiyaha Tigreey ee ku nool Magaaladaasi Addis Ababa.

Banaanbaxayaasha oo wata Boorar kala duwan isuguna soo baxay Garoonka Ababe Baqiila ee Addis Ababa ayaa waxaa ay kasoo horjeedaan kooxda TPLF ee dagaalka kula jirta Ciidamada Federaalka Itoobiya.

Advertisemen

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen Erayo ay kamid yihiin, Shacabka kunool Tigreey iyo Argagixisa Tigreey isku mid maahan,Tplf waa Argagixiso Shacabkuna waa muwaadiniin itoobiyaan ah,Dawlada waxaan Waydiisanaynaa inay Shacabka Samata bixiso oo ay ka xorayso Argagixisada TPLF.

Shacabka dibadbaxa dhigayay ayaa dalbanayay inay dawladdu xorayso Ddegaanka Tigrey oo ay Gacanta ku hayaan kooxda TPLF.

Dagaallada u dhaxeeyay Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo xoogaga TPLF ayaa xoogeystay, waxaana Xukuumadda Abiy Axmed ay ku dadaaleysaa sidii degaannada ay gacanta ku hayaan TPLF ay ugala wareegi laheyd.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post