144 Views

Ciidamada Dowlada oo la Wareegay deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeelaha Dhaxe oo Muhiim u ahaa al-shabaab

Ciidamada Dowlada oo la Wareegay deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeelaha Dhaxe oo Muhiim u ahaa al-shabaab
____________________________________________________________________________

Khamiis: DECEMBER 22, 2022

Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa kusii siqaya deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeelaha Dhaxe , halkaas oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada Al Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka kusii dhawaanayaan qabshada deegaanka Ruunirgood oo ah xarunta ugu weyn ee Al Shabaab ka joogaan Shabeelaha Dhaxe.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in ciidamada huwanta ah qorshahoodu yahay in gabi ahaan Al Shabaab ka saaraan gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa uuna ugu baaqay dadka ku suugan goobaha wali Shabaab joogaan in ciidamada soo dhaweeyaan.

anaral Cali Caraye Cosoble (Ggacmadulle) oo kamid ah saraakiisha ciidamada ee dagaalka hogaamineysa ayaa sheegay in Al Shabaab ka saarayaan deegaanka Ruunirgood iyo deegaanada kale ee wali ka joogaan Shabeelaha Dhaxe.

Ciidamada dowladda ayaa dhawwaan Al Shabaab ka saaray degmada Aadan Yabaal iyo deegaano kale oo katirsan gobolkaasi, waxa ayna ciidamada hadda qorsheenayaan in ay la wareegaan deegaannada kale ee Al Shabaab ka joogaan Shabeelaha Dhaxe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post