1050 Views

Wasiir Beyle oo beeniyay Warbixintii uu baahiyay Hanti-dhowrka

Wasiir Beyle oo beeniyay Warbixintii uu baahiyay Hanti-dhowrka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October10 -2019 —Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa si weyn uga soo horjeestay Warbixintii uu baahiyay Hanti dhowraha Qaranka ee ay ku jirtay in lacagaha qaar aysan kusoo dhicin Qasnada dowladda.

 

Warbixinta Hanti dhowrka ayaa waxaa ka mid ahaa”Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay qabatay dakhli dhan US $86,980 dib ayayna u isticmaashay; Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay qabteen US $577,014 dib ayayna u isticmaaleen. Hay’adda Duulista Rayidka waxay qabatay US $130,130 dib ayayna u isticmaashay. Jaamacada Ummada Soomaaliyeed waxay qabatay US $556,276 dib ayayna u isticmaashay”

 

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle waxaa uu sheegay in dhammaan Saddexdaan Hay’addood lacagihii ay qabteen ay kusoo dhaceen Wasaaradda Maaliyadda,islamarkaana aysan jirin lacago ay dib u isticmaaleen.

 

Warbixinta ayaa deeqaha Caalamiga ah oo ay hesho dowladda Federaalka ah isla markaana ay ugu deeqeen Midowga Yurub, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo UNOPS ay wadarta Deeq bixintooda aheyd $38,259,559 doolar, warbixintu waxaa ay sheegtay in deeqdaas caalamiga ah ay qasnadda dhexe ee Dowladda Federaalka gaartay $19,872,827 doolar.

Warbixinta xafiiska Hanti-dhowrka waxaa ay sheegtay in lacagta deeq bixiyaashu ay ka maqan tahay $18,386,732 doolar oo aan laheyn meel loo raaco.

Wasiirka Maaliyadda ayaa si cad u sheegay in deeqaha Caalamka ee loogu deeqay Soomaliya ay kusoo dhaceen Qasnada dowladda,islamarkaana Hanti dhowrka uusan la tashi la sameyn Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment