1443 Views

Kenya oo shaacisay inta ay ka dileen weerar yahanadii weeraray hotelkii Nairobi

Kenya oo shaacisay inta ay ka dileen weerar yahanadii weeraray hotelkii Nairobi
____________________________________________________________________________

Nairobi | QOL | January 17, 2019 – Tan iyo markii Alshabaab ay weerar ka geysteen Hotel Dysitd ee xaafadda Westland ee magaalada Nairobi Kenya talaadadii la soo dhaafay,waxaa dowladda Kenya laameheedi ammaanka ay ku raad joogeen sidii loo heli lahaa macluumaad sax ah oo ku saabsan khasaaraha halkaasi ka dhashey,oo dhawaan lagu sheegay 14 dhimasho ah.

Balse haatan waxaa la la’yahay  ilaa 19 qof sida lagu shegay warar ay baahinayaan warbaahinta caalamka oo soo xiganaya hadal ka soo baxay hjay’adda Laanqeyrta Cas ee Dalkaasi Kenya k ahowlgasha.

Kenya Joseph Boinnet oo ha taliyaha ciidanka booliska dalka Kenya ayaa u sheeegay wakaaladda Wararka Faransiiska AFP in ay toogasho ku dileen ilaa 5 qof oo ahaa ragii fuliyay weerarkii k adhacay Dusitd2 hotel ee magaaladaasi Nairobi.

Sidoo kale Waxaa ay xireen ciidamada ammaanka dalka Kenya labo qof oo loog ashakisan yahay in ay ku lug lahaayeen fulinta weerarkii talaadadii dhacay,kuwaasi oo laga soo qabtay xili ay ku sugnaayeen xarumohooda oo ay u dheceen ciidanka booliska.

Madaxweynaha dalkaasi Kenya Uhurru Kenyatta ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen 14 qof halka 700 kalena laga soo bad baadiyay,wuxuuna ku baaqay in lag ahortago falalkaasi argagixisanimada leh.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment