1014 Views

NISA oo sheegtay inay qabatay nin ka qeyb qaatay dilkii Amiin Sheekh

NISA oo sheegtay inay qabatay nin ka qeyb qaatay dilkii Amiin Sheekh
____________________________________________________________________________

uqdisho | QOL | Ogoosto 28, 2019 –Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay in la qabtay nin ka qayb qaatay dilkii Maxamed Amiin Sheekh oo horey  u soo noqday Xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir.

 

NISA ayaa sheegtay in ninkaasi laga qabtay degmada Yaaqshid ee Muqdishu  kadib hawlgal la ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameeyeen.

 

 

 

NISA waxay sidoo kale soo bandhigtay cajalad muujinaysa qalab ay ka mid yihiin telefoonno, batariyaal, fiilooyin iyo agab kale oo ay muuqato in loo adeegsado qaraxyada.

 

Ninkaas ayaan hay’addu sheegin magaciisa. Hawlgalkan ayaa  ka dhacay xaafadda Carafaat oo ka tirsan degmada Yaaqshid ee Gobolkan Banaadir

 

Al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliuyadda qarax lagu dilay maalintii Axadda ee todobaadkaan Maxamed Amiin Sheekh oo mar ka tirsanaan jiray Maamulka  Gobolka Banaadir.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment