402 Views

Wasiirka warfaafinta oo faah-faahin ka bixiyay safarka madaxweynaha

Wasiirka warfaafinta oo faah-faahin ka bixiyay safarka madaxweynaha
____________________________________________________________________________

Talaado: SEPTEMBER 13, 2022

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee XFS Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa faah-faahin ka bixiyay safarka uu madaxweynaha dalka , Xasan Sheekh Maxamuud ku joogo magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Wasiirka warfaafinta XFS ayaa sheegay in madaxweynaha iyo wafdigiisu ay Nairobi u tageen marti qaad ay ka heleen dhiggiisa dalka Kenya, si ay ugu qeyb galaan dhaarinta iyo caleema-saarka madaxweyne William Ruto oo dhowaan la doortay

Wuxuu sheegay wasiirku in labada madaxweyne ay khadka taleefanka ku wada hadleen,iyagoo ka sheekeystay sii xoojinta xiriirka labada dowladood iyo sidii ay isu kaashan lahaayeen, isagoo xusay inuu jiri doono kulan gaar ah.

“Sidaad ogtihiin Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhexeeya xiriir aad u dhow, kaas oo ah waddan aan walaalo nahay oo ay waxyaabo badan innaga dhexeeyaan, marka ka qeyb-galka caleema saarka madaxweynaha waxay tusaale u tahay sida uu usii xoogeysanayo xiriirka labada dal, loona doonayo in labada shacab iyo labada dalba ay muujiyaan iskaashi dhinac kasta ah”.

Wasiirka warfaafinta XFS, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay inuu jiro guddi la yiraahdo golaha iskaashiga labada dal, iyagoo iska kaashan doono dhinacyada socdaalka, dhaqaalaha, ganacsiga iyo waxyaabo kale oo dan u ah dhinacyada, wuxuuna sheegay inay ka wada hadli doonaan labada madaxweyne.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post