975 Views

Ciidamada Itoobiya oo dib u qabsaday labo magaalo oo istiraatiiji ah

Ciidamada Itoobiya oo dib u qabsaday labo magaalo oo istiraatiiji ah
____________________________________________________________________________

 Isniin: December 6, 2021

Ciidamada Itoobiya ayaa dib ula wareegay magaalooyinka istiraatiijiga ah ee Dessie iyo Kombolcha, kuwaas oo ay ka qabsadeen ciidamada Tigreega, sida ay dowladdu sheegtay Isniintii, taas oo ah calaamaddii ugu dambaysay ee ay dowladdu dib ugu qabsanayso dhulkii ay dhawaan lumisay

Xoogagga taabacsan Jabhadda Tigreega ee TPLF, ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalooyinkan oo ka tirsan gobolka Axmaarada bil uun kahor.

Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayaan weli ka jawaabin hadalka dowladda.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in warbaahinta dowladdu ay ku dhawaaqay guushan, taas oo ah dhiirigelintii ugu dambeysay ee xukuumadda Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.

Ciidamada Federaalka iyo xulafadooda gobolka ayaa toddobaadkii hore dib u qabsaday magaalada Lalibela oo hay’adda Qaramada Midobay ee UNESCO u aqoonsan tahay xarun ay ku yaallaan goobo taariikhi ah, kuwaas oo ay ka qabsadeen ciidamada Tigreega.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post