1146 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo casuumaad u direy madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka, si ay uga soo qeyb galaan shir 27-ka bishaan December

Ra’iisul Wasaare Rooble oo  casuumaad u direy madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka, si ay uga soo qeyb galaan shir 27-ka bishaan December
____________________________________________________________________________


Talaado: December 21, 2021

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa casuumaad rasmi ah u direy madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka, si ay uga soo qeyb galaan shir 27-ka bishaan December ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in shirkaas looga arrinsanayo dardar-gelinta geeddi socodka, toosinta iyo dhameystirka doorashooyinka dalka.

Shirka uu yeelanayo Golaha Wada-tashiga Qaranka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qoddobo dib loogu saxo hanaanka doorashada dalka ay ku socdaan, kaasi oo maamulada qaarkood ay ku sameeyen musuq-maasuq baahsan.

Casuumaada Rooble u diray madaxda dowlad goboleedyada ayaa imaneysa xilli ay mucaaridka qaadaceen doorashada dalka ka socota, gaar ahaan Golaha Shacabka, taasi oo ay ku tilmaameen mid ku dhisan boob.

Rooble ayaa u hore u ballan-qaaday in uu shir iskugu yeeri doono Golaha Wada-tashiga Qaranka, kadib kulamo uu la qaatay mucaaridka oo ayagu dalbaday in gebi ahaanba la hakiyo doorashada, illaa inta saxayo qaladaadka ka jirra.

Golaha wadatashiga Qaran oo ka kooban Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa xilligan looga fadhiya inay dib u soo celiyaan kalsoonidii luntay ee doorashada dalka.

Office Nairiobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post