3021 Views

Kenya oo ka digtay weeraro Al-Shabaab ka geystaan Gudaha dalkaas

Kenya oo ka digtay weeraro Al-Shabaab ka geystaan Gudaha dalkaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 31da Maarso, 2021—Warbaahinta Qaranka Kenya ayaa baahisay in laamaha Amniga dalkaas ay ka dalbadeen Shacabka inay u soo gudbiyaan macluumaad ka dhan ah anin lagu magacaabo Rashid Mwalimu kaas oo ay si weyn u doonayaan ciidamada la dagaalanka waxa loogu yeero argagixsada.

Laamaha Amniga Kenya ayaa Ninkaasi waxaa ay ku sheegeen in uu yahay duuliye diyaaradeed oo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana uu qorsheynaya weeraro ka dhaca dalka Kenya.

Waxaa  sidoo kale ay sheegeen laamaha amaanka Kenya in Rashid Mwalimu uu khibradiisa duuliyenimo uu u adeegsan karo inuu weerarro dhanka duulimaadyada ah ka geysto Gudaha Kenya, sidoo kalena tababar heer sare ah ku soo qaatay Akadeemiga All-Aisa ee wadanka Filibiin.

Meelo kamid ah dalka Kenya ayaa waxaa horay weeraro qorsheysan uga geystay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana Kenya ay sheegtay inay ka feejigan tahay weerarada Ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post