1341 Views

Turjumaan Somali-Maraykan La Shaqeyn Jiray Hay’adda FBI-Da Oo La Xiray

Turjumaan Somali-Maraykan La Shaqeyn Jiray Hay’adda FBI-Da Oo La Xiray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 07, 2019 –Turjumaanka oo magacisia lagu sheegay C/risaaq Xaaji Raage Wehliye oo 66-jir ah ayaa la sheegay in la xiray Habeenkii Sabtida, kadib, markii uu ka soo laabtay Somalia oo muddo 9 bilood wax ka dhigayey Jamaacad ku taalla gudaha Somalia.

 

C/risaaq Xaaji Raage Wehliye oo ah Khabiir Luqadaha waxa uu Qandaraasle Turjumaan ah ka ahaa Hay’adda Dembi-baarista fedealka Maraykanka ee FBI-da sannadihii 2012-kii ilaa 2015-kii, isagoo Hay’adda u turjumi jirey dadka la tuhunsan yahay iyo codadka sheekeysiga Telefoonadda ee la duubo.

 

FBI-da waxay sheegtay inuu Ninkaasi beeniyey codkiisa oo la duubay xilli uu la hadlayey Nin lagu hayey dabagal  iyo in Mobaylkiisa laga helay Cod (Voicemail) uu u soo diray Nin lagu tuhunsanaa inuu ku biiray Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waa qofkii 3-aad ee ka tirsan qoyska C/risaaq Xaaji Raage Wehliye ee loo xiro baaritaano la xiriira waxa ay Reer Glabeedka ugu yeeraan Argagixiso, laakiin, Qareenka difacaa, oo lagu magacaabo Nina Ginsberg waxay sheegtay inuusan Kiiskiisa wax lug ah ku lahayn Kiisaska Wiilashiisa  iyo inaan C/risaaq Xaaji Raage Wehliye lagu soo oogin wax la xiriira dhaqdhaqaaq Argagixiso.

 

Dhinaca kale, Wiilka Turjumaankaasi oo lagu magacaabo Yuusuf C/risaaq Xaaji Raage Wehliye waxaa horey loogu xukumay xabsi 10-sanno, kadib, markii lagu helay hawlgal uu ku kala gudbinayey hubka.

 

Sidoo kale, wiilka kale ee Yaxya C/risaaq Xaaji Raage Wehliye ayaa waxaa isagana la xukumay sannadkii 2017-kii, kadib, markii ay Hay’adda FBI-da xog-wareeysi baaritaan la yeesheen kadib, markii uu ka soo laabtay Masar sannadkii 2010-kii.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment