639 Views

Mareykanka oo uga digtay muwaadiniintiisa ku sugan Afgaanistaan Qarax ka dhaca Mar kale Afgaanistaan

Mareykanka oo  uga digtay muwaadiniintiisa  ku sugan Afgaanistaan Qarax ka dhaca Mar kale Afgaanistaan
____________________________________________________________________________

Axad: August 29, 2021

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda wali ku sugan Afgaanistaan inay si deg deg ah uga baxaan agagaarka garoonka diyaaradaha Kabul, sababo la xidhiidha “halis qeexan oo ay ogaadeen” oo ah weerar ku soo aaddan goobtaaas.

Ciidamada Daalibaan ayaa hadda xiray dhammaan waddooyinka aada garoonka diyaaradaha ee Kabul, iyadoo kaliya loo oggol yahay in ay maraan baabuurta haysta ogolaanshaha.Mareykanka ayaa sii wada weli daadgureynta dadka ku sugan Afghanistan, balse ciidammadii ugu dambeeyay ee UK, diblomaasiyiin iyo saraakiil ayaa hadda ka baxay Kabul.

Weerarkan ayaa la sheegay suuragalnimiadiisa gelinka hore ee maanta oo axad ah.

Qarax ismiidaamin ahaa oo khamiistii ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha ayaa sababay dhimashada ilaa 170 qof.

Ururka la baxay Dowladda Islaamka Khorasan (IS-K), ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas.

Mareykanka ayaa aargudasho ahaan wuxuu isna gelinkii danbe ee Jimcihii duqeyn xagga cirka ah ka fuliyay bariga Afghanistan, isagoo sheegay inay dileen labo xubnood oo sar sare oo ka tirsan kooxdaas. Ma cadda raggaas in ay si toos ah ugu lug lahaayeen qorsheynta weerarka garoonka diyaaradaha ee Kabul.

Bayaan uu madaxweyne Biden soo saaray Sabtidii, ayuu ku sheegay in howlgalkaas uusan ahayn kii ugu danbeeyay, ayna sii wadi doonaan ugaadhsiga qof kasta oo ku lug leh weerarkaas foosha xun, ciqaabtoodana ay mari doonaan.

IS-K, ayaa ah urur goboleeddada kan ugu xagjirsan uguna rabshadaha badan dhammaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee Afghanistan, iyadoona uu farqi weyn u dhaxeeyo iyaga iyo Taalibaanka hadda gacanta ku haya inta badan dalkaas.

Kooxdan ayaa Taalibaan ku eedaynaysa inay ka tageen goobtii dagaalka iyagoo doorbidaya heshiis nabadeed oo lala yeelanayo Mareykanka.

Taalibaan ayaa cambaareysay duqeynta cirka, iyagoo sheegay in Mareykanka ay ahayd inuu marka hore la tashado, afhayeen ka tirsan kooxda ayaa sidaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ciidamada Mareykanka ayaa bilaabay ka bixitaankooda garoonka diyaaradaha – tiradada halkaa kaga harsan ayaa gaareysa 4,000, halkii Toddobaadkii hore ay kor u dhaafayeen ahaayeen 5,800 .

Maalmaha soo socda ayay u badan tahay inay noqdaan kuwa ugu halista badan tan iyo markii daadgurayntu bilaabatay, sida ay sheegeen saraakiisha Aqalka Cad.

Taalibaan ayaa jid gooyooyin dheeraad ah dhigtay agagaarka garoonka diyaaradaha iyagoon u oggolaaneyn inta badan dadka reer Afgaanistaan inay soo maraan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP.

sku soo wada duuboo, in ka badan 110,000 oo qof – oo isugu jira muwaadiniinta reer Afgaanistaan iyo ajaanib – ayaa laga daadgureeyay garoonka diyaaradaha ee Kabul tan iyo markii duulimaadka la bilaabay laba toddobaad ka hor.

Sabtidii, diyaaraddii ugu dambaysay oo Talyaanigu leeyahay oo Afgaanistaan ka duusha ayaa gaartay magaalada Rome. Talyaaniga ayaa sheegay inay Kabul ka soo daadgureeyeen ku dhawaad 5,000 oo muwaaddiniin Afgaanistaan ah – waana tiradii ugu badnayd ee gaarta dalalka Midowga Yurub.

Faransiisku wuxuu sheegay inay bixiyeen in ka badan 2,800 tan iyo 17kii Ogoosto, halka Jarmalku sheegay inay qaadeen ilaa 4,000 oo reer Afgaanistaan ah.

Madaxa ciidamada qalabka sida ee UK, General Sir Nick Carter, ayaa sheegay in ay tahay wax laga naxo in aysan awoodin in ay badbaadiyaan qof walba.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post