1206 Views

Puntland oo digniin ka soo saartay Daadadka Roobka

Puntland oo digniin ka soo saartay Daadadka Roobka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maajo 31, 2019  –Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada dowlad Goboleedka Puntland ayaa digniin waxa ay kasoo saartay roobabka daadadka wata ee mararka qaar ka da’a deegaano ka tirsan Maamulkaas.

 

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa loogu digay dadka degan Guryaha ku dhisan dhulka hoostiisa iyo meelaha biyo mareenada inay ka digtoonaadaan waxyeelo ka dhalan karta roobabkaas daadadka wata.

 

 

“Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada DPL waxay ku war galinaysaa dadka deggan deegaanada dhulkeedu hooseeyo , meelaha biyo mareenka ah iyo Togaga in ay ka digtoonaadaa daadadka ka dhalan kara roobabka Da’ay asbuucaan khaasatan gobalada Nugaal iyo Sool” ayaa lagu yiri qoraalk Wasaaradda.

 

Sidoo kale qoraalka Wasaaradda ayaa waxaa digniin loogu diray wadayaasha Gaadiidka,iyada oo looga digay darawalada in gaadiidka ay ku wadaan meelaha togaga ah ama ay joojiyaan xilliyada uu roobka da’ayo.

 

“Darawalada waxaa laga codsanayaa in aysan baabuurta ku dhexwadin togaga biyuhu soconayaan , xiliyada roobku da’ayana ay baabuurta joojiyaan si loo ilaasho badbaadada rakaabka iyo Hantidaba”

 

Si kasta mararka qar marka la gaaro xilli roobaadka ayaa waxaa khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed uu geystaa Roobka ka da’a meelo badan oo ka mid ah soomaaliya taas oo keentay in Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada dowlad Goboleedka Puntland ay digniintaan soo saarto

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment