2226 Views

Taliyaha Booliska Somaliya oo kormeeray Saldhiga Booliska Baydhabo

Taliyaha Booliska Somaliya oo kormeeray Saldhiga Booliska Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 5, 2018 – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ku sugan magaaladda Baydhabo, halkaasi oo uu u tagay ka qeyb galka shirka Golaha amniga Qaranka, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Taliska qeybta Booliska Koofur galbeed iyo Saldhiga Booliska magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Taliyaha, ayaa u kuur galay sida ay u socdaan howlaha shaqo ee Talisyadaasi, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyey Saraakiil iyo askar Ciidanka Booliska qeybta Koofur galbeed ka tirsan.

S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa khudbad dheer u jeediyey Ciidanka ka howlgala Taliska qeybta Booliska Koofur galbeed iyo Saldhiga Booliska Baydhabo, waxaana uu kula dardaarmay in shaqada la dardar geliyo, isaggoo xusay in asakarigii shaqo wanaagsan qabtaa Qaranka abaal marin uu siin doonno.

Tliyaha Booliska 6 Tliyaha Booliska 5 Tliyaha Booliska 4 Tliyaha Booliska 3 Tliyaha Booliska 1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment