765 Views

Isbitaalada dalka Hindiya oo la daala dhacaya dawaynta bukaanada uu soo rito fayraska Covid-19-

Isbitaalada dalka Hindiya oo la daala dhacaya dawaynta bukaanada uu soo rito fayraska Covid-19-
____________________________________________________________________________

.

April 24-2021

Isbitaalada dalka Hindiya ayaa la daala dhacaya dawaynta bukaanada uu soo rito fayraska Corona, ayadoo Isbitaaladu ay ku yaryihiin qalabka bukaannada ka caawiya neefsashada.

Ku dhawaad 4 boqol oo kun oo qof ayaa jimcihii oo kaliya uu soo ritay xanuunku halka dad kor u dhaafaya 2 kun oo qof ay u dhinteen afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

Dalka Hindiya ayaa ka mid ah dalalka uu sida weyn uu u saameeyey mowjadda labaad ee Covid-19. Gobolka Varanasi, oo ah gobolka laga soo doorto Ra’isal wasaare Narendra Modi ayaa ka mid ah gobollada sida weyn ula daalaa dhacaya cudurka.

Baraha bulshadana waxaa qabsada qayladhaan la xiriirta baahida loo qabo qalabka neefsiga ama Oxygen, qalbka caawiyo bukaannada xaaladaha aadka u liita ku jira (ICU), sariira bukaannada la jiifiyo iyo dawooyinka bukaannada lagu badbaadiyo maadaamaa mowjadda labaad ee cudurka uu dalkaasi si weyn u saameeyey.

Mas’uul ka tirsan isbitaalada gobollada ay soo gaartay saamaynta ugu weyn oo BBC u warramay wuxuu sheegay cudurka safmarka ah maadaamaa ay xaaladdiisu faraha ka sii baxeyso iney bixiyaan oo keli adeegga la talinta oo qaab online ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post