1206 Views

Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Kenya

Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 29, 2019 —Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in rag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya oo ka mid ah AMISOM ku leeyihiin duleedka degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi Gedo.

 

Mas’uuliyin ka tirsan maamulka gobolka Gedo ayaa Risaala u xaqiijiyay weerarkaasi madaafiicda ah,hayeeshee aan weli la cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay.

 

 

 

Goobjoogayaal sidoo kale ku sugan degmada Ceelwaaq ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa madaafiicda sidoo kalana Ciidamada Kenya dhankooda ay ugu jawaabeen madaafiic kale taas oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn khasaaraha ay geysatay.

 

Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen in madaafiicda ay sitoos ah ugu dhacday gudaha Xerada Ciidamada Kenya ee duleedka Ceelwaaq ,isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay wallow aysan soo bandhigin inta ay la egtahay.

 

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa ku sugan Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Kenya,kuwaas oo ku howlgalla Magaca AMISOM,waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaa Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment