1509 Views

Ciidamada Dowladda oo bilaabay howlgal wado furis ah

Ciidamada Dowladda oo bilaabay howlgal wado furis ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 14, 2019–Taliska ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ayaa sheegey in dhawaan bilaabi doonaan howgallo layskugu furayo dhamaan deegnada Dowlad Gobaleedka Koonfurgalbeed Soomaaliya kuwaas oo meelaha qaar  ay ku sugan yihiin Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

 

Cabdullaahi Taliyaha cusub ee qeybta 60-aad Janeraal Maxamed Sheekh oo xilkan shalay lawareegay ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga dalka sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabayaan howlgalkooda.

 

 

 

Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in qorshaha ama howlgalalda wada furista ah ay ka kaashanayaan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Madaxdiisa kala duwan.

 

Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee deegaannada Maamulkaas ka howlgalla ayaa waxaa ay horay ugu dhawaaqeen howlgallada go’doonka looga qaadayo deegaannada ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment