357 Views

Qarax xoogan oo daqiiqado ka hor ka dhacay magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle.

Qarax xoogan oo daqiiqado ka hor ka dhacay magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle.
____________________________________________________________________________

Axad: July 17, 2022

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo daqiiqado ka hor ka dhacay magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan lagana maqlay qeeybo kamid magaalada Jowhar ayaa waxa ay wararka hordhaca ah oo ay heshay Saxaafada  shegayaan in uu ka dhacay gudaha Hotel la yiraahdo beder oo ku yaal  magaalada Jowhar.

Wararka waxa ay intaa ku darayaan in qaraxa uu dhaliyay Khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac in kastoo aan la ogeeyn inta uu gaarsiisanyahay Qasaaraha ka dhashay qaraxa.

Wararkii ugu danbeeyay ee ka imaanayo goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya in ay socdaan dadaalo lagu samatabixiyo dadka ku dhaawacmay qaraxa,

Goordhow la soco Faah-faahinta qaraxa iyo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post