984 Views

Kenya oo sheegtay in uu dalkeeda soo galay Sarkaal Shabaab ah oo DFS gacanta ugu jiray

Kenya oo sheegtay in uu dalkeeda soo galay Sarkaal Shabaab ah oo DFS gacanta ugu jiray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 29-2019 —Ciidamada Booliska Dowlada Keny ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in dalkooda uu soo galay Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,isla markaana ahaa Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolkan Banaadir kaas oo lagu Magacaabo Cabdi Waaxid Ciise Khaliif Cabdi (Ciise Tarabuun), iyaga oo baahiyay Sawirkiisa.

Booliska ayaa waxaa ay sheegeen in sarkaalkaas ay rumeysan yihiin in uu Kenya soo galay 24-kii Bishan September, waxaana ay dadka Kenya ugu baaqeen inay Ciidamada kusoo wargeliyaan hadii ay arkaan Shaqsigaas ay sawirkiisa baahiyeen.

Warkaan ay baahiyeen Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa dad badan ay layaab ku noqotay,waxaana horay u jirtay in Ninkaan ay dowladda Soomaaliya sheegtay inay ku qabatay howlgal laga fuliyay qeybo ka tirsan Magalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa 19-kii Bishii June ee sanadkii 2017 waxaa uu sheegay in Ciidamada Amniga howlgal ay ka fuliyeen Suuqa Bakaaraha ay gacanta ku dhigeen Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolkan Banaadir Cabdi Waaxid Ciise Khaliif Cabdi (Ciise Tarabuun).

Dowladda Soomaaliya ayaa xilliga ay sheegtay inay qabatay sarkaalkaas ka tirsanaa Al-Shabaab shaacisay inay Maxkamad soo taagi doono,hayeeshee xilligaas wixii ka dambeeyay aan la ogeyn halka uu ku dambeeyay, iyada oo aan wax maxkamad ah la soo taagin.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment