765 Views

RW Rooble oo AMISOM kala hadlay sugida Amniga doorashooyinka

RW Rooble oo AMISOM kala hadlay sugida Amniga doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 25, 2020 –Ra”iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble Taliyaha Qeybta Saddexaad Ciidanka AMISOM iyo Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa waxaa ay kulanka uga wada hadleen labada dhinaca dardar gelinta howlaha amniga ee degaannada Koonfur Galbeed.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM & kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa ay la wadaageen warbixin la xiriirta xaalada amnia ee degaannada Koonfur Galbeed & howlgallada ay wadaan Ciidamada dowladda iyo kuwa MAISOM.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa faray saraakiisha Ciidamada inay laba jibaraan dadaalkooda ku aadana sugida amniga si looga hortagao weerarada Al-Shabaab.

Degaannada koonfur Galbeed ayaa waxaa ay kamid yihiin Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Baarlamaanka labada Aqal, waxaana Ciidamada AMISOM & kuwa dowladda ay iska kaashanayaan sugida Amniga doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post