972 Views

Dagaal dhex-maray Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab

Dagaal dhex-maray Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 21 2020
—Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab saaka ku dhex-maray degaanka Miirdugul  oo Koofur ka xiga  Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda gaar ahaan Guutada 15aad qeynta 21aad ayaa waxaa ay sheegeen in dagaal kadib ay Al-Shabaab, isaga baxeen degaanka

Ciidamada Xoogga iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa uu saakay dagaal culus  ku dhexmaray Deegaanka Miirdugul, isla markaana ay Ciidamada gacanta ku hayaan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dagaalka uu ka dhashay khasaaro kala duwan oo gaaray labada dhinac iyo Shacab ku sugan degaanka lagu dagaalamay, hayeeshee xaalada ay haatan tahay mid degan.

Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay ku baadi goobayaan Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ka wadaan duleedka degaanka Miirdugul ee duleedka Dhuusamareeb.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post