891 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland
____________________________________________________________________________

Sabti: May 7, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la yeeshay madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay Xaaladda Guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado in ay qabsoonto 15 bishaan May.

Sidoo kale, lama oga in labada mas’uul ay isku soo hadal qaadeen Muranka la xiriira matalaada Gobolka Gedo ee Xildhibaannadiisa laga kula doortay Magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbaharey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa isagu hore u ballan qaaday in si caddaalad ah loo xalin doono muranka ka taagan 16 kursi ee Gobolka Gedo, isaga oo kaashanaya dhinacyada ka soo jeeda Gobolkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post