1050 Views

Minnesota iyo meelo kale oo lagu qabtay xuska sanad guuradii ka soo wareegtay markii la dilay George Floyd

Minnesota iyo meelo kale oo  lagu qabtay xuska sanad guuradii  ka soo wareegtay markii la dilay George Floyd
____________________________________________________________________________

May 25 2021

Gobolka Minnesota iyo meelo kale ayaa lagu qabtay xuska sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii la dilay George Floyd oo ku dhintay gacanta booliska magaalada Minneapolis.

Geerida Mr Floyd – oo ahaa Mareykanka madow – ayaa kicisay cadho weyn oo sababtay mudaharaadyo gilgilay guud ahaan Mareykanka iyo meelo kale oo ka mid ah caalamka.

Xuska sanad guurada waxaa ka qayb galay dadweyne iyo ehelada George Floyd.

Sidoo kale baraha bulshada ayaa dib loogu soo nooleeyay xasuustii George Floyd iyo dilkiisii taariikhiga noqday.

Dadka magaca leh ee xuskaas hadal hayay waxaa ka mid ah Hillary Clinton oo ahayd wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo Murashax madaxweyne.

Gadoodka ka dhashay dilka ninkaas ayaa sababay in dowladda Mareykanka ay wax ka baddasho qaabta ay boolisku ula dhaqmaan dadka, waxaana hadda socda maxkamadeynta askartii ku lugta lahaa falkaas.

Derek Chauvin oo sagaal daqiiqo jilibka qoorta uga hayay Floyd ayay maxkamad ku heshay dambi dil ah, isagoo hadda sugaya in xukun lagu rido.

Dhacadaas kaddib booliska Mareykanka ayaa loo billaabay tababarro ku aaddan sida ay ula dhaqmayaan shacabka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post