1704 Views

Isgoyska Fagax oo kala qeybiya Yaaqshiid iyo Kaaraan oo goordhow ay la wareegeen Ciidamo hubeysan

Isgoyska Fagax oo kala qeybiya  Yaaqshiid iyo Kaaraan oo  goordhow ay la wareegeen Ciidamo  hubeysan
____________________________________________________________________________

April 25-2021

Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo badan iyo gaadiid dagaal oo xalay soo galay halkaas ay saakay la waregeen Degaano hor leh oo ka tirsan waqooyiga Muqdisho.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ay Isgoyska Fagax oo kala qeybiya degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ay goordhowayd la wareegeen.

Sidoo kale Ciidamadan ayaa kala wareegay isgoyska ciidamo Boolis ah oo hore ugu sugnaa kadib markii Booliska ay isaga baxeen iyadoo aan wax iska horimaad ka dhicin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan ay doonayaan inay la wareegaan dhammaan isgoysyada iyo wadooyinka muhiimka ah ee Waqooyiga Muqdisho.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha arintaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post