825 Views

Jubbaland Oo Ka Hadashay Dilkii Loo Geystay Nabadoon Saciid Adoon

Jubbaland Oo Ka Hadashay Dilkii Loo Geystay Nabadoon Saciid Adoon
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-21–2019 —Kadib markii xalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose  lagu dilay Nabadoon Siciid Ciise Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada deegaanka Jubbaland ayaa waxaa arrintaas ka hadashay dowlad Goboleedka Jubbaland.

 

Afhayeenka Wasaaradda amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa tacsi u diray guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaana dadka Jubbaland,isagoona Marxuumka Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxaa sheegay in laamaha amniga Jubbaland ay wadaan baaritaanno kala duwan oo lagu raadinayo kooxihii ka dambeeyay dilka Nabadoon Siciid Ciise Cabdi.

 

Rag ku hubeysanaa Bastoolado ayaa xalay xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo ku dilay Nabadoon Siciid xili uu kasoo baxay Salaaddii cishaha, isla markaana uu kusii jeeda Hoy uu halkaas ka deganaa,hayeeshee rag hubeysan ay rasaas la dhaceen.

 

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto Nabadoonada kunool halkaas,iyadoona ay xusid mudan tahay in dhowr bilood kahor laba Nabadoon oo Caan ahaa lagu toogtay halkaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment