744 Views

Muslimiinta Kenya oo wacad ku maray inay Jimco walba ka dibad bixi doonaan “dilalka Muslimiinta loo geysto”

Muslimiinta Kenya oo wacad ku maray inay Jimco walba ka dibad bixi doonaan “dilalka Muslimiinta loo geysto”
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 10, 2021

Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya ayaa wacad ku maray inay Jimco walba khudbada kaddib ay dhigi doonaan dibadbaxyo ku saabsan “dilalka Kenya loogu geysto Muslimiinta”.

Guddoomiyaha (SUPKEM) Al Hajj Hassan Ole Naado ayaa sheegay in ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa ka hortagga argagixisada ee ATPU ay si aan caddaalad ahayn u beegsanayaan Muslimiinta.

“Tan oo qeyb ka ah olole ballaaran oo aan ku difaaceyno xuquuqdeenna, laga bilaabo Jimcaha soo aaddan waxaan Muslimiinta dalka ugu baaqeynaa inay isu soo baxaan khudbada kaddib si looga cawdo caddaalad darradan,” ayuu yiri Naado.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post