1797 Views

Wasiir Aw Xersi: “Ergadda Jubbaland waxay dib ugu laabteen shirka, kadib, raalli-gelin ay DFS iyo EU-da ka bixiyeen borotokoolka la jebiyey”

Wasiir Aw Xersi: “Ergadda Jubbaland waxay dib ugu laabteen shirka, kadib, raalli-gelin ay DFS iyo EU-da ka bixiyeen borotokoolka la jebiyey”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 16, 2018 –  Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Maamul-gobaleedka Jubbaland Dr. Aadan Ibraahim Aw-Xersi ayaa sheegay in Ergaddii Jubbaland ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu dib ugu biiray Shirweynaha Caalamiga ee looga hadlayo Arrimaha Somaalia, kaasi ee ka socda caasimadda dalka Belgium ee Brussels.

Qoraal uu Wasiir Aw Xersi soo dhigtay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu Madaxweyne Axmed Madoobe dib ugu laaabtay Shirkaasi, kadib, markii ay DFS iyo Saraakiisha  Xafiiska Ururka EU-da u jooga Somalia cuddur-daar ka bixiyeen Jebintii Borotakoolka.

Wasiirka waxa kale oo uu Twitter-kiisa ku qoray in Ajendihii shirkadib loogu  soo celiyey sidii rasmiga ahayd, isla markaana uu Madaxweyne Axmed Madoobe ka hadlayo Shiirweynaha ka socda

Dhinaca kale, Jubbaland waxay horey u sheegtay in wax laga beddelay Ajendaha Shirka iyo Qoddobadii lagu soo heshiiyey, taasina ay sababtay inay Ergadda Jubbaland ka baxaan Madasha Shirkaasi, inkastoo lagu guuleystay in laga qanciyo, kuna soo biiraan Shirkaasi oo socon doona muddo 2 maalin ah.

ahmed-madoobe-1 wasiir-xirsi shirka-brusless-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment