75 Views

Xog cusub oo ku saabsan qaraxyadii shalay ka dhacay Bakaaraha

Xog cusub oo ku saabsan qaraxyadii shalay ka dhacay Bakaaraha
____________________________________________________________________________

MUQDISHO — Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qaraxyo xiriir ah oo shalay ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha, kuwaasi oo lala beegsaday dukaamo ganacsi oo gaar loo leeyahay.

Tirada dhimashada ayaa la sheegay inay haatan marayso 12, halka dhaawacuna yahay 41, sida ay muujinayso xogta dhaawaca iyo dhimashada ee laba isbitaal oo ku yaalla magaalada.

Idaacadda VOA ayaa heshay macluumaad ku saabsan dhaawaca iyo dhimashada la geeyey labada isbitaal ee kala ah Madiina iyo Recep Tayyip Erdogan ama EX-Digfeer.

Macluumaadkaasi, oo aanu ka helnay wasaaradda caafimaadka ee dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa muujinaysa in Isbitaalka Medina la geeyey 8 qof oo mayd ah iyo 9 qof oo dhaawac ah.

Sidoo kale isbitaalka Recep Tayyip Erdogan ayaa qabtay 32 qof kuwaasi oo 4 qof oo ka mid ah ay mayd ahaayeen, halka inta kalena ay dhaawac yihiin.

Qaraxyada shalay ka dhacay suuqa Bakaaraha ayaa badankood lala beegsaday dukaamada iibiya qalabka elektoroonikada, waxaana laamaha amniga ay sheegeen inay qaraxyadaasi ka dambeeyeen maleeshiyaadka ururka al-Shabaab. Al-Shabaab ayaan weli rasmi ahaan uga haldin qaraxyadan.

Laamaha amniga ayaa u sheegay VOA in qaraxyadan ay sababeen miinooyin la dhigay goobahan ganacsi.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post