549 Views

Maxay ka wada hadleen RW Rooble & Madaxweynaha Jubbaland?

Maxay ka wada hadleen RW Rooble & Madaxweynaha Jubbaland?
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa maanta Xafiiskiisa ku booqday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble,.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo diyaar garoowga Munaasbadda Caleemo-saarka Madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Jubbaland booqashada uu ugu yimid iyo doorkii weeynaa ee uu kulahaa dhameystirka doorashooyinka.

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka Xafladda Caleemo-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda ka qeyb galeysa xafladda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post