2391 Views

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay Kaawo soo duntay Kismaayo

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay Kaawo soo duntay Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 12, 2018 – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay Kaawo kusoo duntay shaqaalle ka shaqeynaayay.

inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa dhimatay, waxaana sidoo kale dhaawacmay labo kale sidda ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Maamulka degmada Kismaayo ayaa gaaray goobta uu falkaasi ka dhacay, waxaana halkaasi ay kasoo qaadeen Labo ruux oo dhaawac ah.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Kaawadda ay kusoo duntay Shaqaallaha xilli ay ku howlanaayeen qodisteeda.

kaawo-kismaayo-3 kaawo-kismaayo-2 kaawo-kismaayo-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment