1704 Views

Afar sano kadib dameeraha oo laga weyn doono dalka Kenya

Afar sano kadib dameeraha oo laga weyn doono dalka Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 26, 2019 —Dalka Kenya ayaa sanadka 2023 laga weyn doonaa hal dameer kadib markii uu sare u kacay isticmaalka hilibka dameeraha ee dalka Kenya.

Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday in tirada dameeraha lagu qalo gudaha dalka Kenya ay gaartey heer aad u sareeya iyadoo maalin walba la qalo kun dameer.

 

Isticmaalka gudaha ee hilbaha dameeraha marka laga reebo ayaa waxaa la sheegay in loo dhoofiyo dalal dibadda ah sida Shiinaha.

 

Illaa afar kawaan oo waaweyn ayaa lagu qalaa dameeraha dalka Kenya iyadoo sare u kac uu ku yimid qiimaha dameeraha.

 

Ururada u dooda xuquuqda xoolaha ayaa ugu baaqay dowlada Kenya in ay joojiso dhoofinta hilibka iyo hargaha dameeraha.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment