765 Views

Dowladda Sudan oo baabi’say sharci diidayay jiritaanka Dowlada Israel ku dhawaad Qarni

Dowladda Sudan oo baabi’say sharci diidayay jiritaanka Dowlada  Israel ku dhawaad Qarni
____________________________________________________________________________

Apil 7/4/2021

 Dowladda Sudan oo baabi’say sharci diidayay jiritaanka Israel Golaha Wasiirrada dalka Sudan ayaa Talaadadi shalay ansixiyay qaanuun dalkaasi ka jiray muddo 63 sano ah, kaas oo mamnuucayay xiriir dhexmaro Sudan iyo Israel.

Go’aankan ayaa waddada u xaaraya hagaajinta xiriir diblamaasi iyo mid ganacsi oo dhex mara Israel iyo Sudan, waxana uu imanaya bilooyin kaddib marki ay labada dhinac kala saxiixdeen heshiis nabadeed.

Sudan ayaa ku biireysa dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Morocco, kuwaas oo nasakhay sharciyo dalalkooda u diidayay xariir ay la sameeyaan Israel.

Sannadki hore, dalalka Masar iyo Jordan ayaa ahaa, dalalka kaliyah ee Carbeed ee aqoonsaday Israel.Wali dalal badan oo Carbeed ayaanan Israel u aqoon dal jira.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post