192 Views

Xaalad kacsanaan ah oo weli laga dareemayo Magaalada Laascaanood

Xaalad kacsanaan ah oo weli laga dareemayo Magaalada Laascaanood
____________________________________________________________________________

Talaado: January 3, 2023

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool waxaa weli laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah, halkaas oo muddo laba todobaad ah ay ka socdaan bannaanbaxyo rabshado wata.

Dagaal culus ayaa lagu soo waramayaa inuu saqdii dhexe ee xaley uu ka dhacay Magaalada Laascaanood, kadib markii maleeshiyaad hubeysan oo dadka degaanka ah ay weerareen Saldhig ay Ciidamada Somaliland ku leeyihiin mid kamid ah xaafadaha Magaalada.

Labada dhinac ayaa isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada.

Weli wax faahfaahin lagama helin khasaaraha ka dhashay dagaalkan ka dhacay Magaalada Laascaanood.

Dhanka kale waxaa magaalada laga dareemayaa bara-kac xooggan, waxaana xiran suuqyada iyo xarumaha ganacsiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post