351 Views

Golaha Aqoonyahannada Beesha Reer Aw Xasan war-saxaafadeed ay soo saaray uga digay faragelin lagu hayo Kursiga HOP86 ee Fahad yaasiin

Golaha Aqoonyahannada Beesha Reer Aw Xasan war-saxaafadeed ay  soo saaray  uga digay faragelin lagu hayo Kursiga HOP86 ee Fahad yaasiin
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 25  2023

Golaha Aqoonyahannada Beesha Reer Aw Xasan ayaa war-saxaafadeed ay xalay soo saareen uga digay farogelin iyo xadgudub ay sheegeen in madaxda sare ee dalka ay ku hayaan doorashada kursiga xildhibaan ee beeshan ee HOP86.

Kursigan ayaa ah midkii uu ku guuleystay taliyihii hore ee Nabad-sugidda Fahad Yaasiin balse ay diideen guddiga doorashada, haddana la qorsheeyey in dib loo doorto dhowaan.

Golaha Aqoonyahannada Beesha Reer Aw Xasan waxay aad uga xun yihiin in xafiisyada ugu sarreeya dalka ay faragelin toos ah ku hayaan xal u helista arrimaha ku gadaaman Kursiga ay beeshu leedahay ee tirsigiisu yahay 86. 

Waxaa noo muuqata in hannaanka haatan la doonayo waxyaabihii ka dhashay doorashadii kursigan in lagu xalliyo inay tahay mid aan caddaalad ku dhisnayn, iyada oo la doonayo in awood qeybsiga reerka lagu xadgudbo, loona xiro Musharax ay wadato kooxda haatan haysa talada dalka.

Waxaan ka digeynaa tallaabada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Waxbarashada Federaalka ay ku doonayaan inay ku afduubaan rabitaanka jifooyinka iska leh kursigan, waxaana cod dheer ugu sheegeynaa in odayaasha dhaqanka ee beesha kursigan iska leh ay u madax bannaan yihiin hannaanka xulista ergada iyo in ay qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah. 

Waxaan caddeynaynaa in kursigan oo kamid ahaa kuraasta fara ku tiriska ah ee sida hufan loogu tartamay loo dhigtay isbaaro siyaasadeed, sidaas darteedna aan la aqbali karin in mar kale lagu xadgudbo xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee saami qeybsi ahaan uu ka dhaxeeyo kursigan.

Waxaan ku wargalinaynaa qeybaha kala duwan dhaqanka beesha iyo daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka inay si dhaw isha ugu hayaan habdhaqanka ugubka ah ee ay ku kacayaan masuuliyiintii dalka ugu sarreysa kuwaasoo doonaya inay wareegto ku magacaabayaan musharax iyaga xulafo la ah.

Waxaa jira hanjabaado toos ah oo loo diray odayaasha dhaqanka beesha iyo aqoonyahanno kala duwan oo arrimaha kursigan ku diidan qaabka uu doonaayo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir, wixii dhibaato ah oo soo gaarana isagaa masuuliyadda qaadaya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post