813 Views

Wafdi ka socda guddiga doorashooyinka heer Federaal oo gaaray magaalada Jowhar

Wafdi  ka socda guddiga doorashooyinka heer Federaal oo gaaray magaalada Jowhar
____________________________________________________________________________

.

Axad: September 5, 2021

 Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka heer Federaal Mowliid Mataan, ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiye Mataan iyo wafdigiisa ayaa magaalada Jowhar kulan kula qaatay guddiga maamulka doorashooyinka Hirshabeelle, waxaana sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee madaxtooyada Hirshabeelle.

Xoghayaha guddiga doorashooyinka Hirshabeelle Maxamed Xuseen Xeyte ayaa soo dhoweyn ka dib, wuxuu warbaahinta u sheegay in Maalmaha soo socda la qabna doono doorashada xubnaha Aqalka sare ku matali doona dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Ujeedka Guddigan gaaray magaalada Jowhar ayaa ah dardar-gelinta Arrimaha doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka dhaceysa magaalada Jowhar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post